MUUQAAL & SAWIRRO: ”Afrika uma baahna inay noqoto meel lagu qubo gawaarida gacan labaadka ah” – Kagame oo wershadda Volkswagen ee Kigalia xarigga ka jaray!

0

(Kigali) 27 Juun 2018 – Sharikadda gawaarida farsamaysa ee Volkswagen ayaa caasimadda Rwanda ee Kigali ka hirgelisey wershaddii ugu horreeysey ee lagu samaynayo gawaaridooda, taasoo dalkan Bariga Afrika ka saacidi doonta inay ka raystaan gawaari gacan labaad ah oo ay Aasiya kala soo degi jireen.

Madaxwayne Paul Kagame ayaa sheegay in ”Afrika iyo Rwanda aysan u qalmin inay noqdaan meel lagu qubo gawaarida gacan labaadka ah ee ay dalalka kale iska fogeeyaan.”

Sanadkii tegey oo qura waxaa Rwanda laga diiwaan geliyay 300,000 gaari oo lasoo dejiyay, badankooduna waa gawaari gacan labaad ah, sida ay sheegtay waaxda canshuuraha dalkaasi oo 12 milyan lagu qiyaaso dadkiisa.

Thomas Schafer, oo ah Agaasimaha Guud ee Volkswagen South Africa, ayaa sheegay in amaanka iyo degganaanta Rwanda ay tahay sababta ugu wayn ee ku dhiirri gelisey maalgelintan.

Wuxuu sheegay inay marka hore shaqaalayn doonaan ilaa 1,000 shaqaale ah, waxaana gawaarida lagu xirxiri doonaa halkaasi iyadoo qaybo laga keenayo dibedda, waxaana gawaarida halkaa lagu samayn doono ka mid ah noocyada Polo iyo Passat.

Hadalsame Media