DAAWO: Ciyaaryahan ka caagi doona cuntada Mexico oo uu jecel yahay haddii….

0

(Mexico) 27 Juun 2018 – Laacibka ugu safashada badan xulka Sweden, Anders Svensson, ayaa sheegay in uu iska dayn doono cuntada Mexico, haddii dalkani uu Sweden ka tuuro tareenka KA2018.

Sweden ayaa ciyaar hadda dhow bilaabmaysa ku wajahaysa xulka Mexico kulan dhamaadka Guruubka F Group oo ka dhacaysa Ekaterinburg, iyadoo Mexico oo ugu rajo rooni ay Sweden uga baahan barbarro uun, halka Sweden ay u baahan tahay natiijo kasta oo ay kaga roonaan karto Jarmanka, balse Jarmanka ayay lugtiisa kaga xiran tahay inuu gaaro wareegga 2-aad, waana inuu S Korea uga adkaado 2 gool iyo wixii ka badan.

Laacibkan khadka dhexe ee Svensson, oo 148 kulan u saftay xulkiisa min 1999 ilaa 2013, laguna naanayso Taco jacaylka uu u qabo cuntada Mexico darteed ayaa sheegaya inuu faraha ka qaadi doono raashinkooda haddii ay xulkiisa reebaan.

“Waa markii ugu dambaysay ee aan cunayo cuntadan haddii ay Mexico Sweden reebto,” ayuu yiri Svensson oo ku hadlaya Swedish, isla markaana hor fadhiya cunto badan oo Mexican ah. ”Waa wax hurid wayn ee fadlan cuna nimanka [reeba Mexican-ka]. Nasiib wacan ayuu yiri isagoo isku qaadanaya taco iyo guacamole.

Hadalsame Media