
(Saint Petersburg Stadium) 26 Juun 2018 – Xulka Argentina ayaa usoo baxay wareegga 16-ka ee KA2018, kaddib markii ay 2-1 kulankii ugu Wareegga D ay uga adkaadeen dalka Nigeria oo si sharaf leh uga haray Ciyaaraha Adduunka.
Argies oo goolka ku hormaray waxaa gool qurux badan daqiiqaddii 14-aad u dhaliyay xiddigga Leo Messi, waxaa se markale qalbiga la qarxiyay xulka Argentina oo daqiiqaddii 51-aad laga dhaliyay gool rigoore ah oo uu saxiixay Victor Moses.
Yeelkeede, xulka Albiceleste ayay naftu kusoo noqotay daqiiqaddii 86-aad kaddib markii uu kubad raacis ah u dhaliyay laacibka kooxda Man Utd ee Marcos Rojo.
Croatia ayaa iyadu guruubkan kaalinta koowaad uga soo baxday guruubkan D, kaddib markii ay 2-1 uga badisay Iceland.
Hadalsame Media