TOOS U DAAWO: ”Yaan la cabsanin wax baan ridaynaa caawa” – Guddoomiye Yariisoow – LIVE

0

(Muqdisho) 25 Juun 2018 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa caawa dadka reer Muqdisho uga digey inay cabsadaan marka ay bilowdaan dabbaaldegyada maalintii calan-saarka.


Caawa marka ay saacadda Muqdisho tahay 12:00 xilliga aminta Bariga Afrika waxay ku beegan tahay 58 guuradii kasoo wareegtey markii ciid Soomaaliyeed laga taago calan Soomaaliyi leedahay 26-kii Juun, sanaddii 1960-kii oo calanka BULUUGGA ah laga taagey magaalada Hargaysa oo ah caasimadda 2-aad ee Somalia.

Waxaa haddaba haatan munaasabad arrintaa lagu maamuusayo ay ka socotaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Ufficio Governo oo ah halkii calanka buluugga ah markii ugu horreeysey laga taagey sanaddii 1954-kii.

”Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan shacabka ku nool Caasimadda in caawa saacaddu markay tahay 12:00-AM xiliga Muqdisho la ridi doono bulalleeyr, maadaama uu dhawaqiisu culus yahay waa in aan loo qaadan dhib” ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md Yariisoow.

Hadalsame Media