XIISADDA XULKA BRAZIL: ”Neymar wuu i aflagaaddeeyay, dhaqankiisuna ima cajabin” – Thiago Silva

0

(Moscow) 24 Juun 2018 – Xulka Brazil oo ah midka ugu billadaha badan adduunka dhanka Koobka Adduunka ayaa sanadkan ka mid ah dalalka ka qayb qaadanaya KA2018, waxaana xiddigaha ka muuqda ugu horreeya Neymar Jr.


Yeelkeede, sida uu werinayo Globoesporte, mid kale oo ka mid ah arbayaasha burjaawiga ah ee xulkaasi oo ah Thiago Silva ayaa aad uga sheeganaya hab-dhaqanka taban ee xiddigga PSG.

Sheekada ayaa dhacday daqiiqaddii 83-aad, xilligaas oo ay Brazil u muuqatey mid soo wadda barbarrihii 2-aad oo xiriir ah, waloow ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ku dileen Cora Rica oo ay 2-0 direen

MAXAA DHACAY?

“Mar ayaan kubbad ka khalday, kaddibna Neymar wuu i aflagaaddeeyay, mana ahayn in nalookaga badin lahaa kubaddaa aan khalday.” ayuu yiri Silva oo ah waaya aragga kooxda, ahna laacib lagu yaqaanno edeb iyo akhyaarnimo.

“Neymar waa sida walaalkay iga yar, balse wuu i damqinayaa hab-dhaqankiisu, had iyo goorna waxaan isku dayaa inaan siiyo talada saxda ah. Markii uu ooyay waxaan u sheegay inuu is dejiyo, waloow aan ogaa in goolkaasi ka dulqaaday culayskii saarnaa. Balse dhaqankiisu wuxuu igu hayaa murug.” ayuu raaciyay Thiago Silva oo ay weliba isku koox yihiin Neymar.

 

Hadalsame Media