HORDHAC: Isbahaysiga uu hoggaaminayayo Erdoğan oo helay kuraasidii ugu badnayd! (Madax durba u hambalyaysay)

0

(Ankara) 24 Juun 2018 – Madaxwaynaha xilka haya ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa markiiba hoggaanka la boodey, sida ay muujinaysay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada baarlamanka dalkaasi, iyadoo haatan la sheegayo inuu guulaystey xisbiga xilka haya ee AK Party.


Warsidaha maalinlaha ah ee maxalliga ah ee Hürriyet Daily News ayaa sheegaya in haatan ay ku dhowaad soo xirmeen goobihii codayntu ka socotey waxaana ku dhowaad 54% ku guulaystey xisbiga AKP, halka xisbiga mucaaradka ee Muharrem Ince uu helay 30.2%.

Madaxwaynaha Azerbaijan ee İlham Aliyev ayaa la sheegayaa inuu durba wacay madaxwayne Erdoğan si uu ugu hambalyeeyo ‘guushiisa’, waloow aan weli la dhamaynin tirinta codadka.

MHP Md Devlet Bahçeli ayaa wacay madaxwayne Erdoğan “si uu ugu hambalyeeyo guusha doorashada,” sida ay werinayso wakaaladda wararka dowladdu maamusho ee Anadolu News Agency.

Hadalsame Media