(Adis Ababa) 23 Juun 2018 – Qof goobjoog ahaa markii uu dhacayay qaraxii lala beegsaday dibed bixii isbeddel doonka ahaa ee RW Abiy ayaa sheegay in qofkii tuuray bambo uu ku tilmaamay midda gacanta uu xirnaa darayska ciidamada booliiska.
It is now confirmed that 4 people have died and scores injured. Police sources assert that this was an assassination attempt on the new Prime Minister. He has been undertaking aggressive and fast tracked reform that have angered some elements within the old guard.
— Jawar Mohammed (@Jawar_Mohammed) June 23, 2018
Abraham Tilahun ayaa u sheegay wakaaladda wararka Associated Press in ay booliisku ka gaareen inta aanu bambada tuurin oo ay isla qabteen, jeer uu Wasiirka Koowaad Dr Abiy Ahmed uu gacan haadinayay jamaahiirta oo kumannaan ahayd.
“Deeto qarax ayaannu maqalnay,” ayuu yiri Abraham oo raaciyay. “Waxaan hubaa in dadka dhintay ay ku jiraan booliiskii ninka iyo bamkii uu tuuri lahaa ku dhegey.”
RW oo meesha lagala cararay ayaa xaqiijiyay inay waxyeello dhacday isagoo sheegay in ay in ”yari” dhimatay, qaar kalena ay dhaawacmeen.
Wasiirka Caafimaadka Amir Aman ayaa xaqiijinaya isagoo ay xiganayso Associated Press in uu hal qof oo qaraxa ku dhaawacmay uu isbitaalka ku dhintay, sidoo kale booliiska ayaa sheegay in ilaa 100 qofi qaraxa ku dhaawacmeen, kuwaasoo ugu yaraan 6 ka tirsani ay dhaawacyo halis ah qabaan.

Hadalsame Media