(Bogota) 22 Juun 2018 – Taageerayaashu aalaaba waa qaraaraan marka uu laacib rigoore ka cuno, rooso bilaash ah qaato ama kooxdooda laga badiyo, waxayna taasi ku dhacday laacibka khadka dhexe ee Carlos Sanchez, kaasoo roose qaatay ciyaartii Colombia oo uu isagu rigoore ku keenay, taasoo 2-1 looga badiyay.
Carlos Sanchez receives death threats after Colombia red card in chilling echoes of Andres Escobar https://t.co/LijzgZLz1l
— MailOnline Sport (@MailSport) June 21, 2018
Yeelkeede, 32-jirka intaa oo qura loogama harine waa la daba dhigtay, xitaa waxaa soo gaarey hanjabaado ku aaddan in la khaarajin doono sida laacibkii Andres Escobar, oo ahaa laacib Colombian ah oo la toogtey kaddib markii uu gool otoreeto ah iska dhaliyay kulankii ay Maraykanku reebayeen Colombia KA1994-kii.
Sida ay sheegayso idaacadda Blu Radio, hay’adaha dhaqan gelinta sharciga ayaa imin baaritaan ku wada isha hanjabaaddan, iyagoo xitaa kaashanaya booliiska caalamiga ah ee Interpol si loo helo koontada lasoo dhigay hanjabaadda dilka ah ee laacibka, iyadoo uu qoraalku u dhignaa sidatan: ”Waxaan ku dambayn doontaa sidii Escobar”.

Hadalsame Media