MAADDA BARAHA BULSHADA: Kumaa Argentina meel uga soo baxay ma Messi mise Musa?

0

(Volgograd) 23 Juun 2018 – Labadii gool ee Ahmed Musa ayaa naf geliyay rajadii Nigeria ee KA2018 kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay Iceland oo ay ku kulmeen Volgograd, waxaa se guushaa sidoo kale ka duceeyay xulka Lionel Messi ee Argentina oo ku dhowaad quusan lahaa haddii natiijada dhanka kale loo rogi lahaa.


Guusha Nigeria ayaa ka dhigan inay haatan kaalinta 2-aad uga jirto Guruub D, iyadoo 2 dhibcood ka sarreeysa Iceland iyo Argentina oo min hal dhibcood leh.

Kaddib markii ay ciyaartu dhamaatay ayay baraha bulshada ka bilaabatay xifaalo ku aaddan in Musa uu laba dhan ka farxiyay, waa mare wuxuu guul muhim ah u horseeday dalkiisa Nigeria, tan labaad wuxuu xulka Argentina u qabtay shaqo uusan weli u qabanin Leo Messi oo ah xiddiggii ay ku tashanayeen.


”Hadda Ahmed Musa ayaa Argentina u qabtay in ka badan inta uu u qabtay Messi oo carar iyo dhuumasho ku jira” ayuu Edwards kusoo qoray Twitter-ka.


Hadalsame Media