Ronaldo oo weli rikoodho jebinaya! + Sawirro

0

(Moscow) 20 Juun 2018 – Morocco waa xulkii ugu horreeyay oo sanadkaan la xaqiijiyay in uu ka haray koobka adduunka, kaddib markii ay 1-0 ku tuntay kooxda Portugal oo iyaduna soo baxday.

Masar ayaa haritaankeeda la xaqiijin doonaa saacado kadib, waxeyna ku hartaa in Sucuudiga laga badiyo ama bareejo galo.

C. Ronaldo ayaa Portugal u dhaliyay goolkiisii 85-aad. Waa ninka ugu badan ee xulkiisa goolal u dhaliya dalalka qaaradda Yurub. Wuxuu dhaafay Puskas oo Hungary u dhaliyay 84 gool.

Hadalsame Media