Soomaaliya oo qaadday tillaabo kale oo soo kabasho muujinaysa!

0

(Muqdisho) 20 Juun 2018Dalka Soomaaliya oo hadda ka soo kabanaya dagaalo sokeeye ayaa waxaa uu kaalinta shanaad ka galay qiimeynta xaqootiga dunida ee ay sameyso Qaramada Midoobey.

Qiimeyntaan oo sanadkiiba mar la sameeyo ayaa waxaa Salaasaddii  Qaramada Midoobey ku sheegtay warbixinteeda in Soomaaliya tahay dalka shanaad ee ay dadku kaga cararaan colaad iyo faqri.

Waxay ka mid yihiin dadkaa ka baxsanaya Soomaaliya Malaayiin kale oo nolol wanaagsan u raadsanaya dalalka Galbeedka sida ay sheegay Q.M. Qaxootiga illaa hadda la diiwaangaliyey ee Soomaalida waxay gaarayaan 986,400 oo qof.

Liiskan ay siideysay Qaramada Midoobey ayaa u qoran sidaan:-

1- South Sudan
2- Syria
3- Afghanistan
4- Myanmar
5- Somalia

Wadamada Reer Galbeedka ayaa ayaa ka walaacsan qaxootiga faraha badan ee dalalkooda ku qul-qulaya waxaana Sanadkii hore ee 2017 Qaramada Midoobey sheegtay in dadka ka cararey deegaanadooda rasmiga ahaa ee barakacayaasha loogu yeero gaarayeen 68.5 milyan oo qof halka kuwa u baxsaday dalalka Reer Galbeedka ay gaarayeen 25.4 oo qof.

 Hadalsame Media.