DHEGEYSO: ”Hawadeennii waxaa Xamar ka xukumaysa dowladda taagta daran ee Somalia”

0

(Hargaysa) 20 Juun 2018 – Dowladda Somalia ayaa todobaadkan sheegtay inay bilaabayso inay hawada Somalia toos uga maamusho magaalada Muqdisho, kaddib geeddi socod muddo soo socday oo ka dhexeeyay Somalia iyo hay’adda caalamiga ah ee dunida ugu qaybsan maamulista hawooyinka ee ICAO.


Yeelkeede, Nuuraddiin Diini, xoghayaha duulista hawada ugu qaybsan Xisbiga Wadani oo ka jira Somaliland ayaa aad uga hor yimi tillaabadaasi oo uu aad ugu eedeeyay maamulka Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inuu kas uga seexday qaddiyadda ku saabsan in hawada Somalia ay Muqdisho ka waa maamusho dowladda dhexe.

”Hawadii Somaliland waxaa Xamar ka maamulaysa dowladda taagta daran ee Somalia” ayuu yiri Nuuradiin oo warbaahinta la hadlayay, isagoo sheegay in aan marna la dhegeysanin soo jeedimihii ay sameeyeen, sidoo kalena aanu maamulka Muuse qaadin tillaabooyin ku filan oo uu arrintaa galaangal kagala sameeynayo hay’adda ICAO.

Halkan hoose ka DHEGEYSO…

 

Xigasho: SBC

Hadalsame Media