SAAN QAAD SILLOON: Sucuudiga oo iska gooynaya halka ay Qadar uga dheggan tahay! (Tillaabo lala yaabay!)

0

(Riyaad) 19 Juun 2018 – Waxaa bilowday u tartanka ciddii qaadan lahayd qoddidda Kanaalka Canal Salwa oo uu Sucuudigu doonayso inay ku go’doomiso dalka yar ee Qadar, kaasoo dhamaan doona 25-ka Juun.


Dalka ku guulaysta qandaraaskan oo ay soo dalbadeen 5 sharikadood oo waawayn caalamina ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa wax ka yar 3 bilood, sida ku dhigan warsidaha Saudi Makkah.

Mashruucan uu wado Saudi Arabia ayuu ujeedkiisu yahay inay dhisaan hilin ama kannaal 60 KM (37.5 mayl), ballaciisu yahay 200 mitir, hoosna u qodan ilaa 15-20 mitir, kaasoo lala raacayo xuduudda Qadar oo markaa noqon doonta jasiirad caadi ah maaddaama uu Sucuudigu yahay dalka qura ee ay la leedahay xidduud dhuleed.

Sucuudiga ayaa mashruuca Gasiiradda Salwa Island ugu marmarsoonaya qorshe uu sheegay inuu helo meel uu ku kaydiyo haraadiga wershado nukliyeer oo nabadeed oo aan weliba la isku raacin dhismohooda.

A picture shows the Qatari side of the Abu Samrah border crossing between Saudi Arabia and Qatar, on June 20, 2017. (AFP Photo)

Hadalsame Media