DAAWO: Madaxwaynaha Somalia oo ka hadlay heshiiskii Itoobiya, dhisidda ciidamada, colaadda Tukaraq, qorshohooda dhaqaale iyo…..

0

(Muqdisho) 19 Juu 2018 – Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrinta xasaasiga ah ee ka dhalatay booqasho uu dhowaantan Muqdisho ku tegey RW Itoobiya Dr Abiy Ahmed, kaasoo heshiis is afgarad ah oo 16 qodob ka kooban la gaarey dowladda Somalia.


Madaxwaynaha ayaa taabtay arrimo ay ka mid yihiin in la wareejinayo dekedaha Somalia iyo in kale. ”Deked la qaadanayaa ma jirto, dekedaha xitaa haddii la maalgelinayo lacagta lagu maalgelinayo Itoobiya iyo Somalia midkoodna ma laha, waayo Itoobiya lacagtaas maba hayso” ayuu yiri Madaxwaynaha oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay fursadda dhaqaale ee ku jirta meesha istaraatijiga ah ee Somalia ku taallo.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto in ay dhisaan terminaallo ay ku degaan, shidaalka ka qaataan ama xitaa ku nastaan maraakiibta tirada badan ee ag mara Somalia oo aan fursadahaa marna ka faa’iidaysanin.

Wuxuu madaxwaynuhu ka hadlay qorsha dhismaha ciidamada Somalia, colaadda Tukaraq, kooxda Al Shabaab oo uu baaq cafis ah ugu celiyay iyo arrimo kale oo fara badan, haddaba hoos ka DAAWO…

Hadalsame Media