DAAWO: Dayuuraddii siddey xulka Sucuudiga oo holacdey!

0

(Rostov) 18 Juun 2018 – Sawirro soo baxaya muujinaya dayuuraddii siddey xulka Sucuudiga Carbeed oo ka qayb qaadanaya KA2018 oo u socotey magaalada Rostov oo uu dab ka qabsaday mid ka mid ah matoorrada, waloow ay si amaan ah ku degtey.


“Xiriirka Kubadda Cagta Suuudigu waxay idiin xaqiijinayaan in qof kastaahi nabad qabo, kaddib cillad farsamo haatanna waxaan ka degney Rostov-on-Don airport, si bed qab ah,” ayuu u qornaa qoraal ay soo dhigeen Twitter-ka.

Muuqaal aan la xaqiijin oo wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya dayuuradda oo ah Airbus A319-100 oo uu baalka dab ka haysto, kaasoo u muuqda mid sii faafaya.

Dayuuraddan Rossiya Airlines ayaa ka timid Moscow iyadoo u siddey magaalada Rostov ee koonfurta Ruushanka oo ay Arbacada Sucuudigu kula ciyaarayaan xulka Uruguay.


Hadalsame Media