DAAWO: Maxaad ka taqaannaa ”Ilaalada Ordaysa” ee Kim Jong-un & shuruudaha yaabka leh ee lagu xusho (Qaybtii 3-aad)

0
PANMUNJOM, SOUTH KOREA - APRIL 27: North Korean Leader Kim Jong Un heads to the north side for luncheon in the car escorted by North's bodyguards from the Peace House during the Inter-Korean Summit on April 27, 2018 in Panmunjom, South Korea. Kim and Moon meet at the border today for the third-ever inter-Korean summit talks after the 1945 division of the peninsula, and first since 2007 between then President Roh Moo-hyun of South Korea and Leader Kim Jong-il of North Korea. (Photo by Korea Summit Press Pool/Getty Images)

(Singapore) 17 Juun 2018 – Dunidu waxay markale indhaha ka qaadday ilaalada ordaysa ee Jong-un oo la arkayay iyagoo daba ruclaynaya kolonyadiisa oo timi Singapore. Haddaba aannu ambaqaadno qaybta 3-aad.

Si aad u dareento awoodda ay leeyihiin, waa cidda kaliya ee ka tirsan muwaadiniinta Woqooyiga Kuuriya ee loo ogol yahay in ay hub ku qaataan agagaarka hoggaamiyaha sare ee dalkaasi, weliba waxay sitaan qoryo otomaatik ama otomaatik xigeen ah oo cabbaysan iyo rasaas iyo hub kayd ah.

Waloow ay hubaysan yihiin ilaaladani, waxa ugu wayn ee ay ku difaacaan Mr Kim waa ilaalada indhaha (waxay si feejigan ula socdaan dadka iyo dhismayaasha u dhow), iyagoo markiiba la kacaya wax kasta oo ay halis soo fool leh u dareemaan.

Markii uu noolaa Kim Jong-il, saamiga ilaaladani waxay ahayd in 2 ilaalo lagu aaddiyo halkii sarkaalba, balse ilaalada Kim Jong-un, si taa ka horjeedda, way ka tiro yar yihiin, inta badanna ma muuqdaan. Ilaalada Ordaysa had iyo goor waxay xiran yihiin suudadka reer Galbeedka, sida aan ku aragnay Singapore, ama Zhongshan.

Waxaa ka daran in darawallada Mr Kim ay aalaaba sitaan gacmo gashiyo ka samaysan maqaar ama harag, si ay si wanaagsan ugu xakameeyaan isteerinka, waxay sidoo kale xiran yihiin qalabka lagu xiriiro oo dhegaha ugu jira aalaaba.

La soco qaybta 4-aad…

Hadalsame Media