BRAZIL VS SWITZERLAND 1-1: Brazil oo barbarro kala badin wayday barbaarta Switzerland + Sawirro & Muuqaal

0

(Saint Petersburg) 17 Juun 2018 – Brazil oo ka mid ah dalalka loo saadinayo inay qaadi karaan KA2018 ayaa xulka Switzerland oo ay la ciyaarayeen 1-1 la dhaafi waayay, kulanka 2-aad ee Guruubka E. Halkan ka DAAWO googooska…

 

Brazil oo gool dhalinta iyadu daah furtay waxaa goolka madiga ah u dhaliyay jookarka Barcelona ee Philippe Coutinho oo gool iyo bar ku fara yaraystay, yeelkeede, waxaa markii nus saac laga joogo goolka Brazil ka daba geeyay barbaarka Steven Zuber oo ciyaarta 1-1 ka dhigay.

Brazil oo ah dalka ugu badan ee hantay Koobka Adduunka oo uu 25% ku guulaystey koobabkii la dhigay ayaa horay abid hal mar ula soo kulmay Switzerland, waana Koobkii Adduunka 1950-kii oo ay 2-2 markaana isla dhaafi waayay, iyadoo weliba lagu dheelayay guriga Brazil.

Brazil ayaa noqonaya dalkii 2-aad ee wayn ee barbarro ku bilowda kaddib dalka Argentina oo ay ku dhegtey Iceland, waxaana Guruub E haatan 3 dhibcood ku hoggaaminaysa Serbia oo 1-0 ku dubatey Costa Rica.

BRAZIL: Alisson, Danilo, Thiago Silva, Miranda, Marcelo, Paulinho, Casemiro, Coutinho, Willian, Gabriel Jesus, Neymar

SWITZERLAND: Sommer, Lichsteiner, Schar, Akanji, Rodriguez, Behrami, Xhaka, Shaqiri, Dzemaili, Zuber, Seferovic

Kulamada Berri

Sweden vs South Korea 14:00

Belgium vs Panama 17:00

Tunisia vs England 20:00

Hadalsame Media