(Grozny) 16 Juun 2018 – Arbaha xulka Masar ee Mohamed Salah ayaa maalin murugo ah ugu dabaal degey gugiisii 26-aad kaddib markii ay 1-0 kaga badisay Uruguay, yeelkeede, taageerayaal reer Chechnya ah ayaa kaga farxiyay doolshe 100kg oo lagu qurxiyay kabo dahabi ah.
Salah, oo dhaliyay 44 gool fasal-ciyaareedkan ayaa dhaawac garabka ku seegay farxaddi Champions League oo ay Real Madrid ka qaadatay, iyadoo sidaa darteed aan halis lagu gelinin kulankii furitaanka Guruubka A.
Waxaase lagu wadaa in la safo kulamada harsan ee ay ku wajahayaan Russia iyo Saudi Arabia, waxaase dhacday in taageerayaal is xilqaamay ay ku shardeen doolshe wayn oo laba dabaq ah oo lagu xardhay midabbada calanka Masar, waxaana lagu guddoonsiiyay xerada tababarka ay ku leeyihiin Grozny.
Salah ayaa isagoo dhoolacadaynaya hab siiyay saaxiibadii oo ku heesayay ”dhalasho wacan” oo Carabi iyo Ingiriisi ah, isagoo deetana afuufay shumacyadii.
Masar ayaa Talaadada Ruushka kula ballansan St Petersburg.
Hadalsame Media