(Moscow) 15 Juun 2018 – “Berri waxaannu ciyaari doonnaa ciyaarta ugu muhiimsan taariikhda kubadda cagta Iceland, ha yeeshee had iyo goor waxaan ahay dhakhtar ilkood” ayuu yiri macallin-dhakhtarka xulka Iceland ee Heimir Hallgrimsson oo ka sheekaynayay ciyaarta ay ku wajahayaan Messi iyo maqaawiirta Argentina.
Xulka Iceland ayaa Euro 2016 hantay Oscar-ka taageerayaasha guudb ee kubadda cagta, wuxuuna xulkaasi haatan ka mid yahay xulalka heer dhexaadka ah ee aan si hordhac ah dhibcohooda loogu tashan karin.
Heimir Hallgrimsson oo haatan xilka ka dhaxlay Lars Lagerback oo xulka wadey Euro 2016 oo uu markaa ku xigeen u ahaa ayaan ka tegin shaqadiisii isagoo dhakhtar ilkood ka ah tuulo ay ku nool yihiin 6000 oo qofood.
“Waan u qalannaa inaan halkan joogno, marka ay Messi timaaddo, ma hayo qaaciddo sixir ah: Runtu waxay tahay qof kasta wuxuu isku dayaa inuu joojiyo, balse qofina kuma guulaysan “. ayuu yiri Hallgrimsson oo hadlayay ka hor kulanka ay berri ku yeelanayaan Moscow, Spartak stadium.
Hadalsame Media