WARBIXIN CUSUB: Dhaqaalaha Soomaaliya oo kobac sameeyay

0

(Muqdisho) 12 Juun 2018 – Waxaa soo baxay khabar kale oo ku saabsan dhaqaalaha, warbixintan ugu danbeysay CIA world face book lagu daabacay ayaa sheegeysa in dhaqaalaha somalia uu soo kabanayo iyada oo dalku weli la daalaa dhacayo colaado iyo musiibooyin dabiici ah.

Warbixintaan oo la daabacay bishii February ee sanadkan 2018 ayaa tilmaameysa in dhaqaalaha soomaaliya ay waqtigaan saldhig u yihiin xoolaha, lacagta xawaaladaha iyo isgaarsiinta oo hada ah ganacsi xoowli ku socda warbixinta waxaa lagu sheegay in sanadkii aynu ka soo gudubnay dhaqaalaha soomaaliya uu kordhay 2.4% taas oo ah talaabo wanaagsan.

Sida lagu sheegay warbixinta soomaaliya ayaa dhib ku qabta in ay uruuriso daqliga gudaha ee canshuuraha.

 

Hadalsame Media