XANTA SUUQA & XIDIGAHA LA RABO: Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo wargaysyada!

0

(Hadalsame) 10 Juun 2018 – Macallinka Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa caddeeyay inuu midkood doonayo Alvaro Morata ama Anthony Martial haddii uu tago Gonzalo Higuain. (Tuttosport)

Laacibka Lyon iyo France ee Nabil Fekir, 24, ayaa qaba in la dhamaystirayo heshiiska uu ku tegayo Liverpool isagoo durba xushay lambarkii uu kooxdaasi u qaadan lahaa. (L’Equipe, via Star)

Inter Milan ayaa sida la sheegayo kooxda Fiorentina u bandhigi doonta dalab ku kacaya €40-50m iyo 3 laacib si ay uga soo qaataan Federico Chiesa. (Calciomercato)

Goolwalaha Roma ee Alisson, 25, ayaa “aad ugu faraxsan” kooxda Roma tiiyoo ay xiisaynayso Liverpool, sida uu sheegayo tabaraha goolhayayaasha xulka Brazil goalkeeping ee Claudio Tafferel. (Tele Radio Stereo, via Liverpool Echo)

Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya in Inter Milan ay heshiis afka ah la gaartey raacaha Roma ee Radja Nainggolan oo ay ku doonayso €29m oo lagu qurxiyay muluqa hibada leh ee Nicolò Zaniolo.

Paris St-Germain ayaa xiisaynaysa laacibka Chelsea khadka dhexe uga dheela, 27-jirka reer France ee N’Golo Kante, oo uu wakiilkiisu kulan la qaatay agaasimaha isboortiga kooxda haysata horyaalka Ligue 1. (Paris United, via Sun)

Camaaliqada Serie A ee Inter Milan ayaa u dhaqaaqi karta daafaca Chelsea iyo xulka Talyaaniga ee Davide Zappacosta, 26. (Tuttosport, via Football.London)

Jookarka Real Madrid iyo Wales Gareth Bale, 28, ayaa sii joogaya naadigan Spanish-ka ah ilaa ina laga magacaabayo macallin cusub, tiiyoo ay aad u xiisaynayso Manchester United. (Independent)

Arsenal ayaa usii dhowaanaysa heshiis ay kusoo qaadanayso dambeedka Freiburg iyo Turkey jaalle Caglar Soyuncu, sida uu xaqiijiyay wakiilka 22-jirkan. (Turkish Football, via Sun)

Dadabka bidix ee Barcelona ee Joel Lopez, 15, ayaa heshiis la meel dhigay kooxda Arsenal. (Sport)

Horyaallada Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa laacibka khadka dhexe ee Arsenal iyo England Jack Wilshere, 26, kaasoo weli ka fikiraya qandaraas cusub oo uu la galo Gunners. (Football.London)

Dambeedka waaya aragga ah ee Talyaaniga ee Leonardo Bonucci, 31, ayaa sheegay “inaysan wax dhibaato ihi ka jirin” sii joogistiisa AC Milan kaddib markii ay soo bexeen warar la xiriirinaya Manchester United. (Sky Sport Italia, via Mail)

Kooxaha Blues iyo Liverpool ayaa ku hardamaya qabtaha Barcelona ee Jasper Cillessen, 29. Wiilkan Dutch-ka ah ayaa doonaya kubad safka hore ah, maaddaama uu haatan kayd u yahay 26-jirkan Germany ee Marc-Andre ter Stegen oo ay wada joogaan Nou Camp. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Chelsea ayaa Roma ugu geed fariisanaysa 27-jirka caalamiga ah ee reer Talyaani ee Alessandro Florenzi. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Real Madrid ayaa diyaarinaysa £132m oo ay ku doonayso laacibka khadka dhex ee Lazio iyo Serbia ee Sergej Milinkovic-Savic oo ah 23-jir ay iyana daba socoto Manchester United. (Il Messagero, via Express)

Manchester United, Liverpool iyo Everton ayaa ku hardamaya qannaaska muluqa ah ee Wigan jaalle Joe Gelhardt oo 16-jir ah, oo sidoo kale ka tirsan England Under-16. (ESPN)

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

 

Hadalsame Media