Waa halkudheg maran oo mar hore micna beelay, waa qaab dadka looga raadsado taageero iyo beer dulusci. Haddaad nabad tiraahdo waa inay kaa dhab tahay oo aad ahaataa insaan maangal ah oo qalbi fiican.
Peace Is a Cliché: When the West Cannot Control the World Unopposed It Means War https://t.co/XWf11PWznG via @grtvnews
— Andre Vltchek (@AndreVltchek) 4 juni 2018
Sanad kasta, waxaa jira “shirar nabadeed” oo ka dhacaya meel kasta. Waxaan dhowaan ka qaybgalay kana khudbeeyay mid lagu qabtay xeebta galbeed ee Denmark.
Haddii aad tahay weriye dagaallada kasoo warrama sida aniga waad qarracmaysaa marka aad shirarka noocaasi ah tagto. Waxyaabaha laga hadlayaa waa mawaadiic niyad dhis ah oo dul ka xaadis ah.
Haddii ayba ugu roonaadaan, waxay ka hadlaan ‘sida uu hanti-goosigu u xun yahay’, iyo sida ‘ay wax kastaahi saliid ugu xiran yihiin’. Cidina ka hadli mayso dhaqanka laayaanka ah ee reer Galbeedka. Cidina soo hadal qaadi mayso bililiqada iyo ka faa’iidaysiga ay dunida kale qarniyo ku hayaan reer Galbeedku.
Marka loogu daran yahay, waxaa laga hadlayaa sida uu adduunku u xumaaday – “waxaa la adeegsanayaa halkudhegga maran ee dadkoo dhami waa isku mid”. Waxaana mararka qaar la weerarayaa Shiinaha iyo Ruushka oo ay maxaafidiinta cusub (Neocons) ee galbeedku u arkaan awoodo ka dhigan “halis” iyo “hardan” kusoo fool leh.
La soco qaybta 2-aad…
Waxaa Qoray; Andre Vltchek oo ah qoraa, film curiye iyo weriye dabagal sameeya oo Maraykan ah.
Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media