DAAWO: Shiinaha oo Maraykanka uga digey arrin xasaasi ah oo ay isku hayaan!

0
(Singapore) 03 Juun 2018 – Jeneraal Chinese ayaa difaacay howlaha iyo siyaasadda uu dalkiisu ka wado jasiiradaha South China Sea isagoo ganafka ku dhuftay wax uu ku tilmaamay “hadallo qayru mas’uulnimo ah” iyo faragelin arrimaha maxalliga ee dalkiisa uga imanaysay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka James Mattis, kaasoo Beijing ku eedeeyay in baqa gelinayso dalalka deriska la ah.

“War kasta oo aan mas’uuliyadi la socon oo ka yimaada dalal kale lama aqbali karo,” ayuu yiri Sareeye Gaas He Lei oo ku sugan kulan madaxeedka Shangri-La Dialogue ee Singapore, ka gadaal markii uu Mattis wacad ku maray inuu si adag uga hortegi doono wax uu ku tilmaamay saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin biyaha lagu muransan yahay ee South China Sea.

“Inay dalal kale arrimahan ka hadlaan waxaan u qaadanaynaa faragelin ku fooggan arrimeheenna gudaha,” Ayuu raaciyay Jeneraal He.

Shiinaha ayaa jasiirado macmal ah ka dhisanaya South China Sea, iyadoo uu warkani daba socdo laba markab oo Maraykan ah oo maalin dhowayd ag maray isla aaggan, iyagoo ku doodaya inay xaq u leeyihiin maritaanka biyaha caalamiga ah, taasoo ay Beijing u fasiratay daandaansi qaawan.

Hadalsame Media