
(Mumbai) 27 Maajo 2018 – “Waxaan isku deyayaa inaan aabe iyo hooyaba u noqdo carruurtayda,” ayuu ku calaacalay Boney Kapoor oo ka sheekeeynayay sida ay noloshu noqotay kaddib geeridii faj’ada ahayd ee xaaskiisii SriDevi.
SriDevi ayaa geeriyootey 3 bilood kahor, waxayna geerideeda digniin la’aanta ihi dad badan ku qabatay layaab sida ninkeedii Boney. “Deg deg bay u tagtay. Wax kasta oo nolosheenna ihi kaddib waa xarkageen, wax badan baan noo dhahnayn ama noo qabsoomin, walaaloow aan dadaalayo weli waan qabatimi la’ahay inaanan dib dambe u arkaynin.” ayuu yiri.
Gabadhiisa wayn ee Jahnvi ayaa lagu wadaa in ay film-keedii ugu horreeyay soo saarto bisha Luulyo ee soo aaddan, kaasoo uu sameeyay Karan Johar laguna magacaabo Dhadak.
Dabcanna Boney iyo gabadhiisu waxay SriDevi aad u tebi doonaan marka film-ka lasii daynayo. “Waan tebi doonnaa markasta, xitaa hadda oo aan kula hadlayo waxaan dareemayaa marnaan ay nolosheeyda uga tagtay geerideedu.” ayuu yiri Boney.
Sridevi oo bishii Febraayo ku geeriyootey Dubai shil lagu sheegay inay ku hafatey doonta dabaasha ee musqusha ayaa aas qaran loogu sameeyay dalkeeda Hindiya iyadoo geerideeda kaddib lagu maamuusay aktaradda ugu wanaagsan iyo bilad qaran.

Hadalsame Media