Musharrax la sheegayo in laga joojiyey ka qaybgalka doorashada Puntland (Warsaxaafadeed?)

0

(Garoowe) 06 Jan 2019 – Guddiga Doorashooyinka Madaxtinnimada Puntland ayaa sida lagu sheegay ilo aan weli la caddayn karin noo sheegayaan in lasoo saaray war saxaafadeed ay inuu tartamo uga hor istaagayaan Md Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano).

Warkan oo ama tayo xumo kusoo baxay ama been abuur u ekaan kara ayaa si toos ah ugu socda Asad Cusmaan Diyaano oo horay u ahaan jirey Agaasimaha Hay’adda PSF Puntland ayaa lagu yiri sidatan:

”Waxaa laga codsanayaa Asad Cusmaan Cabdullaahi inuu u hoggaansamo Dastuurka Puntland isagoo dhowraya sharciga, gaar ahaan qodobka 45-aad fakhraddiisa 1-aad, iyo qodobka 48-aad fakhraddiisa B.”

Hadalsame Media