(Strasbourg) 22 Nof 2018 – Britain iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay qoraalka Brexit ugu yaraan “mabda’ ahaan dhanka siyaasadda,” sida uu sheegay Madaxwaynaha Golaha Yurub, Donald Tusk oo mar dhow hadlayay.
I have just sent to EU27 a draft Political Declaration on the Future Relationship between EU and UK. The Commission President has informed me that it has been agreed at negotiators’ level and agreed in principle at political level, subject to the endorsement of the Leaders.
— Donald Tusk (@eucopresident) November 22, 2018
Madaxda EU ayaa isku raacay qabya-qoraalka heshiiska Brexit “heer wada xaajood iyo heer siyaasadeed mabda’ ahaan,” ayuu Tusk kusoo qoray Twitter, isagoo tixraacaya farriin uu ka helay Madaxa Komishinka Yurub, Jean-Claude Juncker.
Qoraalkan ayaa waxaa ka wada hadlay Juncker iyo Wasiirka Koowaad ee British-ka Theresa May Arbacadii shalaytoole. Heshiiskan kala tagga ah ayaa qabyo-qoraalkiisa waxaa deeto loo kala diray 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub oo looga fadhiyo inay aqbalaan.
Theresa May ayaa la filayaa inay la hadasho Aqalka Baarlamanka ee House of Commons isla maanta si ay ugu faahfaahiso heshiiskan hordhaca ah.
Hadalsame Media