DAAWO: ”Ka qaad mikrafoonka!” – Trump oo weriyihii CNN ka mamnuucay Aqalka Cad + Sawirro (Muran kulul oo dhex maray!)

0

(Washington, DC) 08 Nof 2018 – Weriyaha CNN ee Aqalka Cad, Jim Acosta, ayaa loo diidey inuu cagta soo dhigo gurigaasi, kaddib markii ay doodeen isaga iyo madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump, isagoo xitaa gaarey inuu makaroofanka ka qaado isagoo adeegsanaya gabar ka tirsan kaaliyaashiisa.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ilaaliya madaxda ee Secret Service ayaa Acosta uga dhaartay inuu galo Aqalka Cad, fiidnimadii Xalay, isagoo ka qaaday ‘hard pass’, oo ay weriyayaashu ku galaan gurigan looga taliyo Maraykanka.

‘Waxaa hadda la ii diidey inaan galo WH. Secret Service-ka ayaa igu wargeliyay inaan soo geli karin saacaddu markii ay ahayd 8pm,’ ayuu yiri Acosta oo arrintaa soo tweet gareeyay 7.46pm.

Daqiiqado yar kaddib, wuxuu weriyahan CNN soo post gareeyay wakiil ka mid ah Secret Service-ka oo waydiisanaya inuu soo celiyo kaadhka uu ku galo AC oo laga siibanayo xarigga lagu hayo.

Waxaa la arkayay Trump oo ku tumanaya weriyayaasha, tusaale ahaan kuwo ka kala socdey dalalka Turkiga iyo Japan wuxuu u sheegay inuusan fahmayn Ingiriiskooda, halka weriye madow ah uu ku yiri waxaad tahay cunsuri, Acosta wuxuu ku dalbaday gabar kaaliye ah oo uu ku yiri ”Ka qaad mikrafoonka!”.

Halkan hoose ka daawo murankii hore…

Hadalsame Media